Doowladnimo dalkasta wuxuu ku helaa 3 waxyaabood in uu buuxiyo kana dhamaystirnaado…

1~Bulsho hadafkeedu yahay dowladnimo

2~Bulsho haysata xeer ay hishiis kutahay

3~Deegaan dhuleed dal dhamaystiran in ay leedahay.

Dal ahaan marka loo fiiriyo 3daa qaybood ee lagu hanto dowladnimo dhamaystiran waxaan uga dhamaystirnayn markii xurnimada laqaadtay manhajka Qabaa’ilka oo ku xeendaaban habkii dowladnimo ee caalmka laga yaqaanay.

*Tusaala ahaaan 3da qaybood sida aan uga duwannahay dowladnimada laga yaqaan caalamka waxa kamid ah isla qodobada laakin waa kuwa kaduwan oo udhaxeeya farqi aad uwayn….

1~Bulsho ku qasbanaatay in ay ilaashato kudhaqanka qabiilka waxa uu farayo.

2~Bulsho haysata xeer qabiil horay shuruucdiisa loo kala dhaxlay kuna waajib noqotay fulinta xeerarka uu farayo.

3~Deegaan dhuleed kala calaamaysan oo ukala xiran qabiil taasoo iyadana aan cidna kagudbi karin.

*Qeeybahaa 3da ah ee isku qorista ah ee aan isku dhihista aanan ahayn ayaa ah caqabadda marwaliba uu dalkeena ubaahnaan doono in la’iswaafajiyo.

Markasta dowladnimo dhamaystiran waxaan isleeyahay waxay ku imaan kartaa marka hore in la’iswaafajiyo 3daa qaybood fahamna laga wada yeesho halka ay kajirto xanibaadaha laga dhaqaaqi la’yahay.

Mahadsanidiin
Hassan Abdikadir Mudey