Al-shabab oo sheegtay ina ay saraakiil ku dishay qarax ka dhacay Muqdisho

Xarakada AL-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax saaka ka dhacay Degamada Hodon ee Magaalada Muqdisho,kaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isbitaalka Digfeer iyo Isgoyska Tarabuunka.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in Saddex Sarkaal oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku waxyeelloobeen qaraxaas oo uu mid ka mid ah dhintay halka labada kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-shabaab ayaa sheegtay in korneyl lagu magacaabo C/llahi Yar,halka Korneyl Faysal iyo Korneyl  C/Risaaq ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay.

Majiro ila ka madaxbanaan AL-shabaab oo xaqiijinaya in Saraakiisha ay sheegeen in ay weerarkaas ku dhinteen sax tahay iyo in kale.