Banaanbaxyo gilgilay Degmada Kaaraan oo maanta dhacay iyo Sababaha Banaanbaxa oo Faahfaahsan.

Waxaa degmada Kaaraan ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo ciidamo ka tirsan militiriga soomaaliya oo iyagu maalmihii ugu dambeeyay flal dil ah ka fuliyay Suuqa Degmada Kaaraan.

Banaanbaxaan ayaa waxa uu ka socdaa Degmada Kaaraan iyadoo Dadweynaha Degmadaasi ka caroodeen falal dil ah oo is xig xiga oo Suuqa Demada Kaaraan ka dhacay , iyadoo kii ugu dambeeyay uu shalay ka dhacay, waxaana dilalkaasi ka dambeeyay oo gaystay Ciidamo wata darayska Ciidamada Dawlada Soomaaliya.

Dadka degmada Kaaraan ayaa si wayn uga carooday falkaasi lagu dilay qof ka mid ah shacabka Degmadaasi, waxayna taasi keentay in maanta dibadbaxyo balaaran ay ka dhacaan Degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Maanta uu xiran yahay Ganacsiga Suuqa Degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir,islamarkaana sidoo kale aysan jirin isku socodka Gaadiidka degmadaasi, maamulka Degmada Kaaraan ayaan iyagu weli kama hadlin dilkii shalay ka dhacay Degmadaasi.
Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee Dowlada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin cabashada dadka ku dhaqan degmada Kaaraan, iyadoo dadka Degmadaasi ku hanjabayn inay dib u soo qaadan doonaan Hubkooda, islamarkaana la dagaalami doonaan ciidanka Dowladda oo iyagu mar walba qas ka waday Suuqa degmada Kaaraan oo ka mid ah suuqayada lacagta ugu badan dowladu ka soo gasho.