Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhasahy qarax xoogan oo Duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, waxaana la sheegay in lala bartilmaameedsaday gaari nuuca raaxada ah, oo ay la so socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay ku dhaawaad 10 Qof oo ay ku jiraan Askartii saarneyd gaarigaasi.

Waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo baaritaano ka sameeyay halka uu qaraxu ka dhacay.