Madaxweyne Farmaajo: “Cadaado waa xarunta Baarlamaanka Galmudug”.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan la leh Odayaasha Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Magaalada Cadaado ay noqoneyso xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo,Madaxweynaha Galmudug iyo madaxa Xukuumadda Galmudug,ayaa wadajir uga sheegay Magaalada Cadaado in ay fadhiga Baarlamaanka ahaaneyso halka Caasimadda Galmudugna ay tahay Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii labaad booqday Cadaado inta uu ku jiro socodkiisa Cadaado,si uu u qanciyo Odayaasha tabashada ka keenay heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ku midoobeen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in Magaalada Cadaado loo dhisayo Garoonka Diyaaradaha iyo Xabsi,halka la dhisayo Dekadda Magaalada Hobyo oo uu maanta tagayo.

Madaxweynaha iyo madaxda Galmudug ee la socda ayaa isku dayaya in odayaasha Cadaado ee diiday heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna  ku qanciyaan heshiiskaas,sidoo kalena ay taageeraan heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna.