Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in ay isku furayaan deegaannada Shabaab Go’doomiyeen

Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Maamulkaas ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo la isugu furayo Wadooyinka Go’doonsan.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Gacma ayaa sheegay in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed xiligii hore ay howlgalka la fulin jireen ciidamada AMISOM balse haatan kuwa Koonfur Galbeed kaliya ay howlgalka fulin doonaan.

Waxa uu sheegay in howlgalkaas uu gebi ahaanba uu ka socdo deegaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan Wadada xiriirisa Baydhabo iyo Buurhakaba iyo deegaano kale,islamarkaana ay siiwadi doonaan.

Maamulka Koonfur Galbeed aya tiro ka dhowr jeer waxa ay sheegeen in ay Go’doonka ka qaadayaan Wadooyinka ay xireen Al-Shabaab balse uusan jirin ilaa iyo hadda tallaabo la qaaday.