Suuqa Xaraashka: Yaa Doonaya 10-Siyaasi oo Fuunto ah (Expire).

Arrin Ugub. Beel Soomaliyeed ayaa maanta suuqa Xaraashka keentay Badeecoyin lala yaabay oo kala ah: 15 oday dhaqameed & Duubab Huudhay ah (Who Dead), waxaa sii dheeraa Badeecaddaa 10 Siyaasi oo Fuunta ah (Expire), kuwaa oo laga soo kala xulay Jufooyin kala duwan.

Haddii aad dooneysid in lagaa iibiyo badeecadaan,Fadlan, fiiri sifooyinka wanaagsan oo ay leeyihiin, kuna qoran shaararka ay wataan.

Sifooyinka Badeecadda:

1- Si fudud ayay dhinac kasta ugu jiidmayaan (Flexable), waqti yar ayayna go’aanadooda uga noqon karaan.

2- Ma hunguri weyna, Hammi weyna iyo Qabna ma lahan, waana Lacag jecel yihiin.

3-Gudaha faaruq ayay ka yihiin waana laguu Format–gareynayaa.

4-Caruurta ayaa gar qaadi karta,weyna ka argti duwan yihiin dadka ay sheegtaan inay matalaan.

5-Si fudud ayay ula qabsan karaan,dhaqanka & rabitaanka cidda gadata.

6-Haddii aad mid gadato,waxaa laguugu darayaa mid kale oo lacag la’aan ah.

7-Qiimuhu waa jaban yahay, dayn aan Mudeysneyna waad ku qaadan kartaa.

8-Haddii lagaa iibiyo dib uma soo celin kartid.

9-Muuqaalkoodu ma ahan mid ku eryaya, waxay u eg yihiin Dadka.

10- Ha soo daahin, hana ka baqin in lagaa dhameeysto, Cid iibsata ayaa la la’yahay, oo beelihii kale ayaa yiri: Badeeca nuucaan ah annaguba waan heysanaa!!.

Qore: Yahya Amir.