Eng. Yariisow iyo Thaabit oo xalay kulmay

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa xlay xilli dambe hoygiisa ku booqday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Guddoomiye Yariisow booqashadiisa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Boostada Eng. Cabdi Cashur, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Kulan albaabada u xirnaa oo dhinacyadan ay qaateen ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dejin lahaa xiisada siyaasadeed, waxaana ugu dambeyn kulankooda uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo nabadeyn, sida uu sheegay Wasiirka Amniga, oo qoraal kooban ku soo qoray bartiisa Facebooka.

Ugu dambeyn labada Guddoomiye ayaa ku heshiiyay sidii loo qaban lahaa Guddi ka shaqeeya xafladda xil wareejinta, waxaana ay ku heshiiyeen sidii si habsami leh ay ugu qabsoomi laheyd Munaasabadda.

Thaabit Cabdi oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay khilaafka beryahan taagnaa inuu ka dhashay laba arrimood oo kala ah xasiloonida iyo nabadgelyada Gobolka Banaadir iyo shirka wadatashiga Nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir oo looga hadli lahaa maqaamka Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa, wuxuuna magacaabay Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow iyo Afar ku xigeenadiisa.

Xilka qaadista Thaabit ayaa soo dadejisay kadib markii habeen kahor Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo dad kale oo la isku wacay ay sheegeen in Thaabit ay u doorteen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.