Ciidamo Kenyaati oo si aad ah u hubaysan oo maanta isku balaariyay Deeegaano ka mid Ceelwaaq.

Wararka Laga helaayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamda dowlada Kenya ay saldhig cusub ka sameysteen Deegaanka Ceel-Qalaa oo 2-km u jira Degmada Ceelwaaq, iyadoo la soo warinayo inay ciidamadaasi gudaha u soo galeen 3-km.

Sarkaal ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadaasi ay yihiin kuwo ay u dhan tahay Saanadooda military, wuxuuna sheegay inay ciidamadaasi saldhig ka sameyteen Ceel-Qalaa oo u dhow Ceel Waaq ee Gobolka Gedo.

Wararku waxay sheegayaan in dadka deegaankaasi ay saakay ku soo tooseen aragtida ciidmada Kenya oo deegaanka ku soo qul qulaya kana sameysanaya fariisin, waxayna ciidamadaasi Kenyaatiga ah ay maanta yihiin kuwo ku sugan Saldhigaasi.

Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gedo ayaa sheegay in aan lagu wargelin Ciidamadaasi saldhiga ka samaystay deegaanka Ceel-Qalaa ee gobolka Gedo, iyadoo mudooyinkii dambe Gobolkaasi ka jirtay xiisado isdaba joogh ah oo ka dhashay talabooyinka ay qaadayaan ciidamada keenyaatiga ah ee Shacabka Soomaaliyeed ku xadgudabaya deegaanadooda.

Dhanka kale Saraakiisha ciidanka Xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Gedo ayaa ku cel celiyay baaq ay u dirayaan dowlada Soomaaliya, iyagoo dalbanaya in wax laga qabto xadgudubyada Kenya ay ku heyso gobolkaasi.