TAABID: “Xilka waan wareejinayaa balse go’doominta hala iga qaado” Daawo

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo Warbaahinta Goordhaw la hadlay ayaa sheegay in uu Xilka ku wareejinayo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Injineer Yariisow oo Saakay loo Magacaabay.

Thaabit ayaa dalbaday in go’doominta laga saaro Xarunta Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in guddi loo xilsaari doono xil wareejintiisa iyo howlaha la socda.

Shacabka ayuu ka dalbaday in ay is dajiyeen, isla markaana waxwaliba ay ku dhamaanayaan Xal nabadeed, waxa uuna u mahad celiyey Xubnihii lasoo shaqeeyey intuu ahaa gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shir jaraa'id:- Guddoomiyihii hore ee gobolka Benaadir ahna Duqii hore ee magaalada Muqdisho Honourable Thabit Ab oo ku…

Posted by Abdulaziz Ali Ibrahim Xildhiban on Sunday, January 21, 2018

La soco wixii kasoo kordha.