Maxaa midna loo xusaa midna loo hilmaamay labadii nin ee u ololeyn jiray xuquuqda dadka madow ee Mareykanka?

Martin Lauther King iyo Malcolm X, waxa ay labaduba ahaayeen laba nin oo Madoow ah oo isku xilli ahaa kuwaasoo sanadihii lixdameeyadii u ololeyn jiray xuquuqda maqan ee dadka Madoowga Mareykanka ee la addoonsan jiray.

Malcolm X waxa uu madowga Mareykanka iyo meel walba ay ku nool yihiin ugu baaqi jiray in ay kacaan oo ay awood ku raadiyaan xoriyadda ka maqan, isla markaana aysan ka sugin kuwii 400 sanadood gumeysanayay, waxa uuna lahaa shacbiyad fara badan isagoo jeedin jiray khudbado kul kulul, isla markaana ka hadli jiray bannaanbaxyada.

Dowladda Mareykanka ayaa kor iyo hoos ula hadashay Malcolm X, iyadoo loogu baaqay in uu la shaqeeyo sirdoonka Mareykanka, balse uu diiday.

Malcolm X, waxa uu ahaa Muslim, waxaana xilligii Boqor Feysal uu booqday dhulka barakeysan ee Sucuudiga isagoo soo gutay waajibaadka Xajka, diinta islaamkana mad madoowgii uga jiray looga saaray, isagoo waagii hore aaminsanaa in macallinkiisii Alijah Muhammad oo ahaa hoggaamiyihii Nation of Islam ee Mareykanka uu ahaa Nebi, sida uu ka dhaadhiciyay.

Martin Luther King Jr. oo isaguna ahaa nin aftahan ah oo xuquuqda maqan ee Negro-ga Mareykanka ku raadin jiray qaab siyaasadeed iyo si xoogaa ka deggan Malcom X, ayaa waxaa uu ku dhowaa dhinaca dowladda Mareykanka, waxaana lagu xusuustaa khudbaddiisii caanka ahayd ee sanadkii 1963-kii ka dhacday barxadda Washington ee ‘I have a dream’ / waan riyoonayaa, waxaana ku r iyoonayaa afartayda carruur ee yar yar oo maalin maalmaha ka mid ah ku dhex nool qaran aan lagu takoori doonin midabka jirkooda, balse loo eegi doono dabeecaddooda shaqsiyadeed.

Martin Lauther King wuxuu ahaa Masiixi iyo Safiir u dooda madhabta Masiixiga, wuxuuna madax ka ahaa xisbiga Masiixiga ee The Southern Christian Leadership Conference (SCLC).

Malcolm X, waxa uu diiday in magaca aabihiis uu sheegto isagoo u soo gaabiyay (X) oo aan la garanayn, sababtuna waxay tahay isagoo sheegay in aabihiis iyo awoowayaashiisiiba ay gumeysteen caddaanka Mareykanka kolkaasoo ay magacyadoodii asliga ahaa ka beddeleen una bixiyeen magacyo dad caddaana leeyihiin sida John, Michael, Steve, White iwm. Sidaa darteed ayuu Malcom, magiciisa ugu xijiyay xarafka (X).

Mar uu ka hadlayay Malcolm X, farqiga u dhexeeya isaga iyo ragga kale ee Madoowga ah ee u doodaya xuquuqda Afrikaanka Madoow ee Ameerika ayaa waxaa laga hayaa inuu yiri;

“Waxaa jira laba nuuc oo ‘Negro/Addoon ah’: midka 1-aad waxaa la yiraahdaa (House Negro), waa Addoon ku nool guriga ninkii addoonsaday ee madaxdiisa ah, waxa uu u khidmeeyaa milkiilihiisa, wuxuu xirtaa dhar qurxoon, wuxuuna cunaa cuntada ugu wanaagsan ee uu milkiilihiisa cuno, wuxuuna seexdaa meel aad u wanaagsan, wuxuu aad u ilaaliyaa milkiilihiisa isagoo aadna u jecel, wuxuu guriga milkiilihiisa ka ilaaliyaa wax dhibaato ah, sida inuu dab qabsado ama wax laga xado.

Midka 2-aad waxaa la yiraahdaa (Field Negro/Addoonka goobta), kaas waxaa lagu garaacaa jeedal, waxa uu xirtaa dhar aad u jeex jeexan, waxaana la siiyaa cunto aad u liidata, wuxuu aad u necban yahay Milkiilihiisa, haddii uu xanuunsado wuxuu is yiraahdaa ILAAHOOW uu dhintaa, haddii guriga Milkiilihiisa dab qabsado, wuxuu yiraahdaa ILAAHOOW dabaysha u badi, aniguna waxaan ahay ‘Field Negro / Addoonka goobta”.

Labadan nin waxaa loo dilay qaab isku mid ah iyagoo la toogtay, waxaa horreyay Malcolm X, oo la toogtay Bishii Febraayo 21, 1965 isagoo khudbad ka jeedinayay Washington Heights, markii uu Makarafoonka qabsaday ee uu yiri “Asalaamu calaykum”.

Saddex sano dabadeed, April 4, 1968 ayaa waxaa Martin Luther King Jr. isna rasaas lala dhacay isagoo ku sugan Memphis, Tennesee ee waddanka Mareykanka, waxaana loola cararay Isbitaalka, halkaasoo uu ku geeriyooday.

Laakiin su’aasha is weydiinta leh ayaa waxay tahay maxaa labadan nin oo u wada doodi jiray xuquuqda dadka Afrikaanka ee ku nool Mareykanka loogu kala hiiliyay? iyadoo isku sina ay u wada dhinteen isku hadafna ay ahaayeen.

Maalintii uu dhashay Martin Luther King ee 15 Janaayo ayaa waxaa sanad walba Mareykanku maalintaa u asteeyay inay tahay maalin qaran oo fasax ah, shaqooyinkana laga nasanayo, halka taariikhdiisana lagu dhigo Iskuullada waddanka Mareykanka, laakiin nasiib darro Malcolm X oo ahaa Muslim taariikhdiisii oo dhan waxaa laga dhigay mid midab takoor iyo caddaan naceyb ahayd oo ku salleysneyd naceyb iyo diinta Islaamka oo aysan jeclayn inta badan dadka Mareykanka.

FG: Sawirkan Malcom iyo Martin Lauther King waxaa laga qaaday halkii jeer ee ay weligood kulmeen labadan nin waxaana uu ahaa sanadkii 1964, iyagoo wada hadlayay wax ka yar laba daqiiqo, waxaana laga gaarsiiyay sawirkani taariikhda galay.

Qore: Yaxye Yuusuf