Falanqeynta Maanta: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Anagaa Xaq u leh

Xaaladkasta oo abuuranta waxaa wanaagsen oo Caqliga wanaagsen kuu sheegayaa in marka hore la qaato talo ku dhisan Hubsiimo hal baa la siistaa. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir waqtiga la joogo waa kursi siyaasadee oo dad badan damac kaga jiro

Sow ma haboona in odayaasha dhaqanka ee iyaga uu ka dhaxeeyo Tartan siyaasadeed. Inay iska ilaaliyaan in yaga Godka ay qodayaan iyaga qaarkood ku dhacaan maadaama ay marwalba dantu iska horkeenayso

Waxaa saxaafada magaalada moqdisho la soo gaarsiiyey in Odayaasha dhaqanka waxgaradka isku beesha yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed. Inay diiday yihiin in xilka laga qaado Goddoomiya Taabid iyagoo fariin u diray Madaxweyne Farmaajo.

Arinka wax cudub maaha markasta oo Guddoomiya xilka laga qaadayo odayaal dhaqan iyo wax garad ayaa diida marka Goddoomiye cusub lama gacaamo. Odayaasha diidanaa ayaa soo dhaweeya shaqsigan cusub arinkan waa wax dhaqan ka noqday. Dhaqanka siyaasadeed ee soomaaliya

markaa waxaan Falanqeynta ku muujinayaa waxaa wanaagsan Dadka sumcada bulshada ku leh inay iska ilaaliyaan dhaqanka. Labada waji lah ee odayaasha dhaqanka laga bartay

Markaa inaad markasta isticmaasho xigmada ah. hubsiimo hal baa la siistaa waa hadal macno ku fadhiya Inkastoo Sanadahaan danbe ay soo badanayaa dadka Jecel Been abuurka iyo kicinta Bulshada

Sow ma wanaagsana in loo arko Goddoomiya Taabit shaqsi caadi ah oo la mid ah Ragii hore u soomaray Goddoomiyaasha Gobalka Banaadir

xilka uu hayana ay keeneen kooxda uu la socday ee Madaxweyne Farmaajo haday iyagu si sharciya markii hore ku magacaabeen in hada la yiraah xilka sharcidaro ayaad guddoomiya taabid uga qaadeen

sow hore looma ogeen in kursigan Goddoomiysha Gobalka Banaadir
yahay mid Beelo badan isku hayaan oo wada dhashay. oo markasta saxaafada ka hadlay. oo yiraahda xuquuq ayaa naga maqan. Arinkaa miyaa la ilaaway kuwii xuquuqdu ka maqnneyd arinkooda miyaa la xaliyay.

Waxaan Falanqeyn tayda ku soo koobayaa, Marna ha rumaysan in soomaaliya joogan Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beel oo isku dan ah oo xuquuqda saxda ah difaaca

Odayaasha dhaqanka ee Bayaanka hada soo saaray maaha kuwii ugu horeeyey ee Taariikhda kuma cusba in Goddoomiya Taabit la khaldayo waa sida ay aniga ila tahay ee aan ka bartay dhaqanka siyaasadeed oo somalia.
Caasimada moqdisho waa caasimada laga hogaamiyo siyaasada soomaaliya.