Faalladii Caalim: Qorax duhur taagan sacabada laguma qarin karo

Madaxweyne Farmaajo hadii meesha uu hada taagan yahay uu helo dad daacada oo la shaqeeya. Shacabka soomaaliyeed wayka guulaysan kuwa cadawga ku ah ee waqtiga dheer ka hor taagnaa inay dawlad ahaadaan

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Guriceel, iyadoo safar dhulka ah kaga soo amba baxay magaalada Dhuusamareeb.

Socdaalkan ayaa qeyb ka ah safar madaxweynr Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo maalmihii ugu danbeeyayba ay ku marayeen deegaanno ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga la socdey
ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Dad badan oo ah shacabka soomaaliyeed ayaa. la yaaban Geesinimada iyo adkeysiga Madaxweyne Farmaajo uu ku sameeyey safarka dheer oo adag . ee aan hore loo
arkin Madaxweyne sameeya inta Taariikhda soomaaliya jirtay waqti colaadeed.

shacabka soomaaliyeed waxay in dhahooda ku arkeen in Rajo wanaagsen soo muuqato.

Madaxweyne farmaajo ayaa yiri Waxaa ceeb nagu ahin xilligan ay kala qobqoban yihiin shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha wada ah. Hawshaa adag ee madaxweyne Farmaajo bilaabay bilowga sanadkan 2018 ee ah in awooda iyo Talada lagaarsiiyo shacabka

Siday isku fahmidoonaan madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyiinta Hotelada muqdisho dagan ee aan diyaar u ahayn in hawl la qabto.Dawladnimo.

Waa muuqataa in shacabka soomaaliyeed doona yaan in ay dawlad helaan wadooyin ka ayey u soo istaageen. Iyadoo la oran karo waa kacdoon shacab oo bilow ah.

Safarka madaxweyne farmaajo wuxuu noqday Qorax duhur taagan sacabada laguma qarin karo. Qofkii hawsha uu madaxweyne farmaajo bilaabay diidaa waa Qof cadaw ku ah shacabka soomaaliyeed oo ah Qaran Dumis xun.

Qormadii: Maxamed Caalim