DFS Iyo AMISOM oo isku raacay qorshaha cusub ee amniga dalka

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, howlgalka nabad ilaalint Midowga Afrika ee AMISOM, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa isku raacay in la dhiso guddi u xilsaaran, sidii Ciidamada Xoogga loogu wareejin lahaa mas’uuliyadda amniga dalka.

Kulan uu shir guddoominayay ku xigeenka madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Simon Mulongo ayna ka soo qeyb galeen madax sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayey isku raaceen in la sameeyo guddigaasi, si Sanadkan wax looga badelo qorshaha ammaanka dalka.

Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ayaa tilmaamay in uu si weyn u soo dhaweynayo qorshaha ay Ciidamada Dowladda ay kula wareegayaan ammaanka dalka, isaga oo intaasi ku daray in AMISOM ay si gaar ah ula shaqeyn doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa uu daba socdaa shir bishii December ee Sanadkii hore ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Dowladda Soomaaliya, howlgalka AMISOM iyo dalalka Beesha Caalamka,  kaas oo looga doodayo in Ciidamada Midowga Afrika ay sugida ammaanka dalka ku wareejiyaan Ciidamada Xoogga dalka.

Qorshahaasi ayaa lagu wadaa in si toos u bilaawda bisha March ee Sanadkan, iyadoo guddigaasi uu talooyin siin doono madaxda ugu sarreysa ee Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Sanadka 2020-ka la filayaa in guud ahaan ay isaga baxaan Soomaaliya.