Ra’iisal Wasaare Kheyre oo faahfaahin ka bixiyay sii deynta maxaabiista ku xiran dalka Hindiya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyay heshiis ay la galeen dowladda Hindiya oo ku saabsa sii deynta maxaabiista Soomaaliyeed ee dalkeeda ku xiran, isagoona sheegay in heshiiskaasi la marsiiyay golaha baarlamaanka.

Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Goloha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad ayaa caawa maqribkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyeen 41 maxaaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa dalka Hindiya, kuwaasoo dib u helay xoriyadoodii, ka dib dadaalo badan oo ay samaysay dawladda Soomaaliya, si loo sii daayo muwaadiniinteeda.

Waxa uu sheegay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre in dalka Hindiya ay ku xiran yihiin maxaabiis Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso 72-maxbuus, isagoona sheegay in dalka dib loogu soo celinayo dhowaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in markale ay soo dhaweeyaan muwaadiiniin Soomaaliyeed, oo si yaabo kala duwan ugu xirnaa dalka Hindiya. Waxayna ka turjumaysaa sida ay xukuumadda Soomaaliya ugu dadaalayso in dhamaan maxaabiista Soomaaliyeed laga soo daayo wadamada ay ku xirin yihiin, lana dareen siiyo in ay dawlad lee yihiin.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa intii dhalinyaradeena dalka dibadiisa ku xiranyihiin ma nasandoono, waana soo dayndoonaa. Xukuumaduna waxay ka shaqaynaysaa sidii ay muwaadiniinteeda ugu gurman lahayd, taas oo ah waajib nasaaran. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo Safiirka dalka Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, oo maxaabiista ku waheliyay safarka ayaa tilmaamay in dhalinyaradan lagu soo daayay heshiis dhexmaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dawladda Hindiya, kaas oo sahlay in ay dib u helaan xoriyadoodii.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmamay hadii ay gacmaha is qabsadaan shacabka iyo dawladooda, in maalin walba guul iyo horumar wanaagsan samayndoono. Sidoo kalena waxuu u hambalyeeyay dhamaan dadkii ka shaqeeyay guushaan.