Maxaabiis laga soo daayey Xabsi ku yaalla Hindiya oo Muqdisho la keenay.

Diyaarad waday Xeer ilaaliyaha guud ee Qaran Dr. Axmed Cali Daahir iyo Maxaabiis gaareysa 41-Maxbuus lagana soo daayey Xabsi ku yaalla Hindiya ayaa goordhaw kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiiro katirsan Golihiisa iyo Xubno kale oo Dowladda ah ayaa ka qeyb qaatay Soo dhaweynta Maxaabiista gaareysa 41-da qof.
Qorshaha ayaa ah in Dowladda Federaalka ay gacanta ku heyso Maxaabiistaasi, waxaana lagu heyn doonaa Xarumo Dowladda Federaalka ugu talagashay in lagu sii hayo.
Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Warbaahinta ku hadlay ayaa ka hadlay qorshaha Dhalinyarada, iyo waxa Dowladda ay ka yeeleyso Dhalnyarada Soomaalida ah ee dalalka kala duwan ku xiran.