Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Guriceel.

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Saaka socdaal dhanka dhulka ah ku tagaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha oo Habeenadii ina dhaafay ku hoyanayay Dhuusa-Mareeb ayaa Saaka isu diyaarinaya Safar ay ku tagaan degmada Gurieel oo kamid ah degmooyinka ugu waaweyn oo ay heysteen Maamulkii Ahlu-Suna ee markii danbe ku biiray Galmudug.

Saraakiil la socotay Madaxweyne Farmaajo ayaa Mustaqbal usheegay in Madaxweynaha soo gabagabeeyay Socdaalkiisii Caasimada Galmudug mar hadii la isku daray Ahlu-Suna iyo Galmudug, Xaafna la keenay Dhuusa-mareeb, Calanka Galmudugna laga taagay bartamaha Magaalada.

Amniga Guud ee Guriceel iyo Wadada dheer ee Xiriirisa Magaalooyinka Dhuusa-Mareeb iyo guriceel ayaa Saaka aad loo adkeeyay, Waxaana wadooyinka la daadiyay Ciidamada Ahlu-Suna iyo kuwa la socday Madaxweyne Farmaajo ee sugida amnigiisa qeybta ka ah.

Wariyayaasha ku sugan Guriceel ayaa soo sheegaya in qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ay si heersare ah usocoto, Bulshadana ay soo buux dhaafinayaan halka laga soo galo degmada si ay uga hortagaan Wafdiga Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guriceel uga ii gudbi doona Degmada balanbal, kahor inta uusan u safrin Magaalada Cabduwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud oo ah halka lagu soo afjarayo Safarka Madaxweynaha ee Deegaanada Galmudug.

Sida qorshuhu yahay Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee deegaanada Galmudug ayaa soo idlaan doonta Axada soo socta Maadaama uu uqorsheystay Todobaad Kaliya si lamid ah Socdaalkiisii Deegaanada Puntland.