Madaxda dowladda maxaa u diiday inay arkaan dadka qaranka anfacaya?!!

Siyaasiga ama Masuulka ka mid noqonaya Golayaasha Dawlada ayey mihiim tahay, in loo eego arimo badan oo ay kamid yihiin, aqoontiisa, waayo aragnimadiisa shaqo iyo sida uu u yahay mid matali kara shacabka Soomaaliyeed oo dhan, marka ay Timaado daacadnimada iyo Cadaalada shaqsinimo ee uu qofku leeyahay, islamarkaana la hubiyo in uu yahay Qof ka fog nin jeclaysi iyo Qabiil.

Waxaana haboon Shaqsiyaadka ka Soo baxaya beelaha ee ay soo dooranayaan, inta ayna kamid noqonin Golayaasha Dawlada, in iyagu ay u xulaan, sida uu qofku u yahay mid lagu aamini karo Xilka Qaranka, kaas oo marka la qiimeeyo Dalka iyo Caalamkaba ka gadmi kara.

Marka taas la helo ayeyna imaan kartaa, Dawlad si Cadaalad ah u wada shaqaysa, si weyn ula jaan qaada Caalamka islamarkaana la isku halayn karo.

Dawladan ay Hogaanka u hayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre, ayaa u muuqata midii Soomaaliya samtabixin lahayd, kadib markii ay la timid Cadaalad iyo waxqabad muuqda marka laga yimaado Ilduuf yar oo ay ka mid tahay midan aan ka hadlayno oo iyana aan rajaynayno in laga gudbi doono.

Galbaha Qaar ayaan Tagi jirey meel lagu shaaheeyo oo Fadhi kudirir ah maalin walba gole wasiiro lagu dhiso.
Maalin baa golihii la soo dhisay nin soo boodey oo uu yiri.

“Ninkan naloo magacaabey ma rabno,hadaan reer Hebel nahay, waxaana wadanaa Hebel.”
Aniga ayaa weydiiyey, “Maxaad labada nin u kala Jeclaysanaysaa?”.

Markaa ayuu iigu Jawaabey,

” Midkaan waa SHISHEEYE KALKAAL, oo Soomaalinimo iyo waxaan loo joogin ayuu gali, Kana waa nin Qabiilka iyo Jifada wax tari, Soomaali shaqo kuma laha”.

Sidaa darteed miyeyna hagaagsanayn in Madaxda Dawladu ay Xushaan midka looga Tagayo SHISHEEYE KALKAAL oo markaa noqonaya mid Qaran oo Soomaalida iskumid u tahay, kana fog Qabiilka iyo Qabyaalada.

Dad badan oo Xiriir ila Soosameeyey ayaa i weydiiyey arimo la Xiriira Siyaasi Maxamed Cumar Maxamuud oo ay garanayeen aqoontiisa iyo Kartidiisa,balse ay aaminsanaayeen in aan uga sii dhawahay, oo wax badan ka ogahay, waxayna i weydiiyeen in Maadama aqoon iyo Siyaasad xeeldheer uu leeyahay, kana mid ahaa Xildhibaanadii Baarlamankii 9aad uusan u Soo galin marnaba golaha Wasiirada, isaga oo ay ku tilmaameen Shaqsi Daacad ah oo Soomaali dhab ah, dadkuna ku yaqaanaan nin Qaran.

Mohamed Omar waa Jaamici 1980kii ka soo qalin jabiyey Jaamacad ku taala dalka Talyaaniga, Xilal badan ka soo qabtey Dawladii dhexe Soomaaliya ee burburtey.

Waa nin aqoontiisu iyo waayo aragnimadiisu ay u keentay in dalal badan oo Caalanka ah uu ku tago Safaro shaqo, intii Golaha Baarlamanka uu ku jirey, waxaana wadamadaas kamid ahaa, Maraykanka, Jarmalka, Iswidhan,Norwey, Talyaaniga iyo kuwo kale oo badan oo ay kamid yihiin Dawladaha Carabta iyo Afrika.

Mohamed Omar oo laga Soo bilaabo Xildhibaanadii Carta illaa kuwii Baarlamankii 9aad ee Kan ka horeeyey ahaa Xubin golaha Shacabka Ka mid ah, Aqoonyahan Siyaasad aragti dheer iyo Waayo aragnimo leh, ayaa dad badan oo ka faalooda armaha Siyaasada ay wax badan Cabireen in uu mar uun ku soo bixi Golaha Wasiirada Dowlada, balse taasi ma dhicin ilaa haddeer, waxaanse Shaki ku jirin in uusan Qarsoomeyn oo mar un ay qabandoonaan indhaha Madaxda Dalka , markaa oo la hubo in la geyn doono halka uu ku qiimeysan yahay.

Mohamed Omar waxa ay Kalsoonidiisu gaarsiisey in uu u istaago Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Xilligii Dowladii Carta lagu soo dhisayey, waxa uuna kamid ahaa 45 Musharax oo isusoo taagay Xilkaa inkastoo Markii Danbe uu tanaasuley.

W.Q. Mohamed Farah Duurgal.