Maxaa lagu yaqaan Gobolka Shabeellaha dhexe?

(Shabeellaha dhexe )
Gobalka shabellaha dhexe oo ah gobal aad ukheeyraad badan wuxuu kobaciisa ku tiirsanaa Beero iyo Bad waxa uuna ku fadhiyaa dhul aad umasaafa dheer marka loo fiiro baaxaddiisa dhuleed.

Gobalka waxaa kasoo jeeda siyaasiyiin aad ubadan laakin aanan waligood wax lataaban karo aanan uqaban bulshada degan oo ay kasoo jeedaan marka laga reebo mas’uuliyiin fara kutiris ah oo iskood isku xilqaama oo laga xusi karo shakhsiyaad aad uga qayb qaadtay nabadeynta iyo hishiisiinta jilibyada ku dagaallama badanaa tuulooyinka hoos yimaada gobalka .

Deegaannada iyo tuulooyinka gobalka badankood malahan Cisbitaallo, Ceelal fiican, Iskuullo,iyo adeegyada daruuriga u ah dadka deegaannada gobalka kusugan iyadoo ay udheertahay kooxaha argagixisada xagjiriinta shabaab oo dil iyo boob ku haaya bulshadaa masaakinta ah ee aan cid uhadasha haysan.

Tuulooyinka gobalka badanaa hooyooyinka umulaya waxaa loo soo qaadaa cisbitaallada Muqdisho waxaana dhacda badanaa in ay ku ruux baxaan inta loo soo wado cisbitaallada Xamar.

Bulshada degan waxay kusoo jireen dhibaatada sanooyin badan waxayna soo mareen mushkilado aanan awoodi karayn in aan qormadan ku faah faahiyo waana ayaan darro in siyaasiyiin iyo dad wax heli kara ay sidaa udayacaan dadkii ay kasoo jeedeen.

Gobalkasta waxaa hormariya dadka kasoo jeeda waxaana horumar uhorseedi kara bulshada qaybaheeda kala duwan iyadoo aanan lafiirinayn kala aragti duwnaasho siyaasadeed ama aragtiyada gaarka ah ee aan dadka deegaannada horumar uhorseedeyn.

Lasoco qaybta labaad iyo doorka uga aadan bulshada !
Mahadsanidiin
Hassan Abdikadir Mudey