Xawaalada Tawakal oo mudo kooban samaysay Horumar balaadhan, noqotayna…

Shirkada Xawaalada ee Tawakal oo sanad walba samaysa horumar balaadhan oo macaamiishu aad ugu diirsadaa. ayaa sanadkan 2018 la filaya in ay sii laban laaaban adeegaasi hore ee shacabku ku barteen.

Xawaalada Tawakal oo inta badan xarumo waawayn ku leh gudaha iyo dibeda. Ayaa shacabka somaliyeed si fiican u isticmaalan maadama adeegoodu ka sareeyo kama dhaqso badan yahay xawaaladaha kale.

Adeega E Tawakal ayaa  noqday mid ka mid ah waxyaabaha lagu majeerto xawaalada ee ay u samaysay macaamiisheeda. Adeegan ayaa noqday kan sahlayaa in macaamiil badan ku soo xidhmaan xawaalada. 

Masuuliyiinta kala duwan ee Xawalaada Tawakal ayaa inta badan ku hawlan sidii markasta loo heli lahaa in xawaaladu la jaan qaado tiknoolajiga casriga ah ee aduunku isticmaalo. Halka shaqaalahana la siiyo tababaro dheeraada oo shaqada lagu horumarinaayo.

Magaalooyin dhowra oo ku yaala gudaha dalka oo ay ka mid yihiin. Muqdisho,Hargeysa,Bosaaso,Garowe, Kismaayo iyo Baydhaba oo ay tageen Weriyayaasha shabakada wararka ee Somaliweyn.com ayay ku soo arkeen in shacabka ku nooli si fiican u isticmaalan Xawalaada Tawakal. iyaga oo sababta ugu weyn ku sheegay adeeg hufan iyo degdegsiimo badan laga helo xawaalada

Ganacsatada Somaliyeed ayaa iyana xawaalada ku leh account ay lacagta dhigtaan.

Muxuu yahay adeega E-Tawakal

Adeega E-tawakal waa adeeg casri ah oo si ay xoriyadi ku jirto aad u maamulan karto lacagaha aad u dirto eheladaada, Shaqaalahaga iyo wixii la mid ah sido kale Adeega E-Tawakal waxaad ku kaydsan karta lacagtaada.