Faahfaahin ku saabsan qarax qasaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, waxaa la sheegay in lala eegtay gaari Hilukis ah, oo marayay inta u dhaxeysa Kalaal iyo Al Biri ee deegaankaasi.

Goobjooge la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Haweeney iyo Ilmo oo ka mid ah dadka deegaanka.

Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsiga watay gaariga qaraxa lala eegtay, balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa DFS oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.