Madaxweynayaasha Puntland iyo K/Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb.

Madaxweynayaasha Puntland iyo K/Galbeed ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeay wufuud ay hoggaaminayeen.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumada Gal-Mudug Ayaa ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Ahlu Sunna.

Wufuuda ayaa loo galbiyay halkii uu ka dhici lahaa shirka lagu soo gabagabeynayo heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ay horay ugu sugnaayeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madax kale oo ka socota xukuumadda Federaalka.

Dhinaca kale waxaa Xusid mudan in Shirkaasi uu ka baaqday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo la sheegay inuu dib ugu dhacay arrimo farsamo.