Taliska Ciidanka Booliska oo maanta soo bandhigay rag dhac iyo Boob ka waday Magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Degmada Howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir ku soo Bandhigay Koox Burcad ah oo dadka reer Muqdisho dhac iyo boob u geysan jiray.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna soo bandhigau 4-nin oo lagu eedeeyay in xiliga Habeenkii dadka taleefannada ka qaadan jireen.

Dhanka kale afhayeenka ayaa sheegay in Raggan lagu soo qabtay Taleefano fara badan, Mooto Bajaaj iyo Bastoolad ay dadka ku han-dadi jireen xilliga ay dadka dhacayaan,iyadoo uu sheegay in ragaasi ay dhibaato ku hayeen Shacabka kunool Magaalada Muqdisho, islamarkaana sharciga la marsiin doono.