Taariikh Nololeedkii Fanaanada Khadiijo C/Laahi Dalays oo Kooban

Allaha u naxariistee Khadiijo C//laahi Camey waxay ku dhalatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay sanadkii 1936.

Waxay aheyd gabadhii ugu horeysay ee fanaan ah oo hees ka qaada koofurta Soomaaliya gaar ahaan Radio Muqdisho.

Sida ay ku sheegtay waraysi ay u bixisay Allaha u naxariistee Khadiijo Dalays in wargeyskii Koriyeri Della Soomaali ku aragtay ogeysiis lagu sheegay in Radio Muqdisho looga baahanyahay gabar heesta sidaasna ay ku tagtay.

Heestii ugu horeysay oo hal ku dhegeedu ahaa Hoobaan u ekoow waxaa laga duubay 14 November sanadkii 1952.

Khadiijo C/llaahi Dalays oo ka mid aheyd fanaanta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan waxay qaaday heeso badan oo wadani iyo jaceyl iskugu jira.

Allaha u naxariistee Khadiija Dalays oo ka mid aheyd fanaanta ku suntan fanaanta hooyadda ama bilowga ah fanka Soomaaliyeed waxay ku guulaysatay dhawr biladood oo ku heshay heeso ay qaaday.

burhandiini@gmail.com