Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo la wareegtay Saldhig Booliiska Kenya Magaalada Lamu.

Wararka ka imaanaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in Maleeshiyaad Hubeeysan la wareegay Saldhig Booliiska Kenya ay ku lahaayiin Degaan lagu Magacaabo Ishakani oo ka tirsan gobolka Lamu waxayna ka Taageen Calankooda ka hor intii aysan ka Bixin.

Saldhigaas Booliiska ayaa la sheegay in isbuuc ka hor ay isaga baxeen saldhigaasi, kadib markii ay ka baqeen in lagu soo weeraro, sida uu baahiyay Wargayska the Standard.

Cabsi isa soo taraya ayaa laga qabaa in Al-Shabaab Weeraro ku soo qaadaan Ciidamadda Kenya Bishii January ee Sanadihii 2016 iyo 2017, iyadoo Shabaabku isku diyaarinayaan Weeraro ay Damacssan yihiin inay xeelad cusub kusoo Bandhigaan.

Dadka Deegaanka Lamu ayaaa Warbaahinta u sheegay in Maleeshiyaadka la wareegay tuuladaasi ay Tuuladda joogeen Muddo Saacado ah waxayna ka Tageen 8 dii Subaxnimo ee saakay, waxayna halkaasi ku ku aaseen waxyaabaha Qarxa oo ay dhigeen Wadooyinka ka baxa IShakaani, mid ka mid ah Qaraxyadaasi wuxuu qabsaday gaari ay wateen ciidamo ka Tirsan Militariga Kenya oo ku Dabajoogay Maleeshiyadkii Degaanka la wareegay .

Wargeeyska The standard ayaa sidoo kale Daabacay in Kooxda Hubeysan oo tiro ahaan u dhexeeysay 30 ilaa 40 ay xadka Soomaaliya ka talaabeen una gudbeen tuuladda ishakani ee Gobolka Lamu, iyadoo Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa Baahisay in Kooxda Tiradoodu ay ahayd ku dhawaad 100 islamarkaana ay u khudbeeyeen Dadkii Tuuladdda oo argagaxsan.

Dhanka kale Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa sidoo kale Duqaymo ka Geeystay Ceel-cadde iyo tuulooyinka ku Hareereeysan oo ay Al-shabaab ka taliyaan.