HRW oo Al-Shabaab ku eedeysay in xoog ay ku Askareeyaan Carruurta ku nool goobaha ay maamulaan.

Warbixin ay soo saartay Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay sii joogteeyeen inay awood ku askareeyaan caruurta oo si xoog ah ehaladoodi uga wadanayaan bilihii la soo dhaafay.

Dhamaadkii bishii September 2017-kii Al-Shabaab ayaa ku amray odayaasha dhaqanka iyo macalimiinta iskuulo diini ah oo ku yaala baadiyaha inay soo wareejiyaan boqolaal caruur oo da’dooda ayan ka weyneen 8-sano,bilihii la soo dhaafay waxay bilaaben boqolal caruur ah in qoysaskoodii ay la soo baxsadaan iyagoo ka cararaya askareenta Al-Shabaab.

Letia Bader oo ah baare sare oo ka tirsan hay’adda HRW ee Africa waxay shaaca ka qaaday in si naxeriis la aan ah ay u askareenayaan Al-Shabaab caruurta baadiyaha ku nool walidiintoodana waxaa lagu qasbay inay u adeegaan kooxdaasi.

Baaritaanka meelaha ay Human Rigths ay ku samaysay waxaa kamid ah 15-qoys oo ku nool 3 magaalo oo kala ah Bardaale,Baydhabo iyo Buurhakaba.

Odayaasha tuuloyinka ayaa sheegay in bishii September lagu amray inay tagaan degaanka Buulo Folaay oo Al-shabab maamulaan ayna wareejayaan tobaneeyo caruur oo da’doodi u dhaxeysay 9 ilaa 15sano jir,mid kamid ah dadka degaanka bardaale ayaa shaaca ka qaaday inay u baahan yihiin wax ku taagera dagaalka waxa uu yiri waxa ay nagula hadleen si hanjabaado ah sidoo kale waxa ay naga doonayaan furayaasha ceelasheeni.

3 kamid ah dadkii la wareestay ayaa shaaca ka qaaday in odayaasha ay Al-shabab u geeyen 50caruur oo ay ku jirto gabar yar kuwaasi oo laga waday laba iskuul oo ku yaala Buurhakabo waxana la geeyay Buulo Folaay oo goob jogayaal ay sheegen inay tahay meel ay ku yaaliin dugsiyo diini ah iyo xarumo caruurta lagu tababaro.