Gudoomiyaha G/Banaadir oo si weyn loogu soo Dhaweeyay Dhuusa Mareeb

Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunat gobolka Galgaduud waxaa Maanta gaaray wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Wafdiga gudoomiyaha ayaa siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay,waxaana wafdigiisa qeyb ka ahaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Cabduqaadir Macalin Nuur taliyihii hore ee Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya Tuuryare iyo Masuuliyiin kale.

Groonka Diyaaradaha Dhuusa Mareeb ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Masuuliyin uu qeyb ka ahaa madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir  Cali Xasan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Dhuusa Mareeb.

Gudoomiye Taabit ayaa xiligaan waxa uu ku sugan yahay xarunta madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud halkaasi oo Xildhibaano ka tirsan  labada Aqal ee Baarlamaanka ay kaga horeeyaan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu dhawaan tago dhuusa Mareeb gudoomiye Taabit ayaana ka mid noqon doona Madaxda soo dhaweyneysa wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya.