Kenya Iyo K/ Afrika oo ka wada hadlaya ammaanka Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu dhawaan u safro Koonfur Afrika, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono Madaxweynaha dalkaasi Jacob Zuma.

Manoah Esipisu oo ah Afhayeen u hadlay Aqalka Madaxtooyada ee dalka Kenya ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru uu dhigiisa dalka Koonfur Afrika kula kulmi doono magaalo Xeebeedka Durban ee dalka Koonfur Afrika.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa in ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarada laga sameeyo dhinaca ammaanka ee dalka Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya.

Dalalka Koonfur Afrika iyo Kenya oo si weyn ugu ololeeya dhinaca dhismaha Nabadda ee Qaaradda Afrika ayaa la filayaa in ay si weyn u lafo guraan sidii loo xoojin laha dhinaca nabad gelyada ee dallka Soomaaliya iyo Sudaanta Koonfureed.

Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo kumanaan Askari oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha kenya Uhuru Kenyatta ayaa hore u sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu kala shaqeyn doono dhinaca amniga iyo la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.