Daawo Falanqeyn: Xogaha Muhiimka ah ee ku qarsan Safarka MD Farmaajo uu ku marayo Deegaanada Puntland…

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dowlad goboleedka Puntland xalayna ku hoyday magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa maanta wuxuu gaari doonaa magaalo Xeebeedka Boosaaso.

Socdaanka maxadaweyne Farmaajo ayaa ah in Talada wadanka soomaaliya shacabka wax laga waydiiyo socdaalka dhulka ah ayaa wuxuu yahay nabad iyo dib u hishiin qaran.

Shacabka soomaaliyeed waxay waqti dheer iloobeen madaxweyne Qaran Talo Qaran ciidan Qaran iyo midnimo Qaran.

Sidoo kale Barnaamijka Bandhiga ee Tv-ga Kalsan ayaa lagu falanqeeyay Xogaha Muhiimka ah ee ku qarsan Safarka Madaxweynaha Sida waxa uu kaga duwan yahay Safaradii Madaxweynayaasha hore ku tageyn Puntland.

Danjire Maxamed Caalim oo Barnaamij-ka ka qeyb galay ayaa Tooshka ku ifiyay khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu u jeediyay Ardayda Reer Puntland iyo qodobada qaar oo qalad ula muuqda.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku gudo jiro booqashadiisa waxaa lagu wadaa in uu gaaro degmooyin ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud iyadoo halkaasi ay shalay gaareen wafdi hordhac u ah safarka Madaxweynaha.

Wafigan ee madaxweyne farmaajo bilaabay ee ah in uu safar dhulka ah ugu Tago shacabka soomaaliyeed magaalooyinka ay ku nool yihiin waxay marqaati ka tahay in dawladanimada lawada leeyahay.

Facebook Comments