Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay jawaab ka bixin doonaan weerarkii Soomaaliland ee Tukaraq

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horreysay waxaa uu ka hadlay xiisadda ka jirta Deegaanka Tukaraq halkaasi oo ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland ay la wareegeen gacan ku heynteeda.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Soomaaliland ay caqabad ku tahay midnimada Soomaaliya isla markaana weerarkooda Puntland ay kusoo weerareen xilli Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku sugan yahay caasimada Dawladda Puntland.

Mudane Gaas ayaa sheegay in Puntland aysan dagaal iyo daandaansi midna wadin isla markaana Beesha caalamka iyo Dawladda Federaalka wuxuu ugu baaqay Madaxweynuhu in ay la socdaan wixii halkaasi cawaaqib xuma ka dhalata inay Soomaaliland masuuliyadeeda leedahay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland aanay gacmaha ka laaban doonin weerarka uga yimid Soomaaliland isla markaana Puntland ay jawaab ka bixin doonto Weerarka Soomaaliland kusoo qaaday Tukaraq.