Dowladda Maraykanka oo Wasaradda Gaashaandhiga Soomaliya ku Wareejisay Gaadiid nooca aan Xabada Karin+Sawirro

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyay Gawaari nooca aan Xabadda Karin, kuwaasi oo loogu talagalay in lagu qabto howlaha Wasaaradda.

Gawaaridaan ayaa Soomaaliya waxaa ugu deeqday Dowladda Mareykanka, waxaana munaasabad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayay Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga, taasi oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Madaxda iyo Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidkaasi ay Dowladda Mareykanku ugu talagashay in lagu kaabo Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,si ay ugu qabato adeegyada muhiimka ah ee bulshada ay u hayso Wasaaradda.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay ka guddoomeen 6-gaari, islamarkanaa lagu qaban doono oo kaliya howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda, wuxuuna ugu mahadceliyay Wasiirku Dowladda Mareykanka sida ay u garab taagan tahay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,oo iyagu dagaal kula jira Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Soomaaliya dagaalada ka wada.