Taliye Khanzadi “Waxaan u maleynayaa Burcad-badeednimada Soomaaliya inay tahay nooc argagixiso ah..”

Taliyaha CiidamadaBada ee Iran Khanzadi ayaa sheegay xilli uu ka hadlay xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay cutubyo ka tirsan ciidamada badda Iiraan, kadib markii ay soo afjareen sahan dhanka badda ah oo ciidamada Iiran ay ka wadeen badda caalamiga ah oo 67-maalmood soconayay ayna ka qeyb qaateen 49-markab iyo weliba doonyo.

Sarkaalkan ayaa sheegay inay jiraan wadamo iyo kooxo taageero maal iyo xogba isugu jirta ugu tabaruca kooxahan kuwaa oo ujeedkood yahay sidii ay u cuuryaamin lahaayeen dhaqaalaha wadanka Iiraan, balse ay iyaga xogtaan siiba heleen kal hore.

Dhanka kale Ciidamada Iiraan ayaa ku soo biiray howlgalkii la dagaalanka Burcad badeeddii Soomaalida sanadkii 2008-dii ee ka soconayay xeebta dheer ee dalka iyo waliba biyaha caalamiga ah, iyadoo Iiraan dhaqaalaheedu ku xiran yahay gacanka Beershiya, iyadoo kooxaha burcad badeedda ay dhibaato badan ku hayeen dhaqalaah wadanka Iiraan iyada oo xilligaa saliidda Ceyriin iyo Shidaalkii ay dhoofin jirtay Iiraan uu hoos u dhac ku yimid.