Madaxtooyada Puntland oo soo saartay qoraal ay ugu jawaabeyso Somaliland (Akhriso)

Warsaxaafadeed si deg deg ah oo laga soo saaray Aqalka Madaxtooyada ee dawladda Puntland ayaa si kulul looga hadlay duulaan ay subaxnimadii hore Somaliland ku qabsatay deegaano kamid ah gobalka Sool oo ku dhaw gobalka Nugaal.

Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay ka jawaabayso weerarkaas oo ahaa mid lagu carqaladeynayo safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya uu ku marayo deegaanada Puntland.

War saxaafadeedka waxaa lagu cadeeyey in ay Puntland qaadayso talaabo Milateri oo ay kaga jawaabayso weerarkii saaka, kaas oo ay masuuliyada wixii ka dhasha dhabarka u ridin doonto Somaliland.