Iran oo sheegtay in ay jiraan dalal Maal-Galiya Burcadbadeeda Soomaalida

Taliyaha Ciidamada Badda ee dalka Iran Admiral Xuseen Khansadi ayaa sheegay in ay jiraan wadamo gaar ah oo dhaqaale badan  ku bixiyo Burcadbadeeda ka qowleysata Soomaaliya.

Admiral xuseen ayaa xusay in u jeedka ugu weyn ee Lacagaha loogu bixinayo Burcadbadeeda ay tahay sidii loo wiiqi lahaa dhaqaalaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran, iyadoo kooxaha Burcadbadeedka ay bartilmaameedsadaan Maraakiibta dalka Iran.

Taliyaha oo aan soo hadal qaadan magacyada dalalkaasi ayaa sheegay in dalalkaasi Burcadbadeeda Soomaaliya ay ka caawiyaan sirdoonka, qalabka iyo Lacago kaash ah, isaga oo intaasi raaciyay in u jeedka ugu weyn uu yahay sidii loo curyaamin lahaa dhaqaalaha Iran.

Maraakiibta dagaal oo ay leedahay Dowladda Iran ayaa howlgallo joogta ah ka wada gacanka cadmeed illaa iyo Sanadkii 2008-dii, si ay uga hortagaan weerarada Burcadbadeedaka ay ku bartilmaamedsan karaan Maraakiibtooda qaada Saliida.

Inta badan Maraakiibta Ciidamada Badda ee Iran ayaa roondooyin xoogan ku sameeya gacanka cadmeed,iyagoo marar badan fashilayay weeraro ay halkaasi ka geysanayeen qaar ka mid ah kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.