Ururka Samafalka Ubax Foundation oo qeybiyay Gargaar ka kooban dhar iyo dawo

Ururka Samafalka iyo Gargaarka ee Ubax Faodation oo Fadhigiisu yahay Magalada Gothenbege ee Dalkaasi Sweden ayaa dhawaan waxaa uu magaaladda Muqdisho ka Qeybiyay Gargaar ka kooban dhar iyo Dawo, kuwasi oo uu ururku ugu talagalay Qaar ka mid ah Dadkii wax ku Noqday 14kii Oktobar ee 2017kii ka dhacay magaladda Muqdsiho Gaar ahaan Isgoyska Zobe , kaas oo ay ku nafwaayeen in ka badan 700, oo Ruux halka kuwo intaas ka siibadana ay ku dhaawacmeen iyo waliba Burbur Hantiyeed.

Ururka ayaa markii ay masiibadaasi ka dhacday waxaa uu Gurmad balaaran ka sameeyay arintaasi iyadoo uu u qeybiyay Gargaar dhar ah Qaar ka mid ah dadkaasi dhaawacmay iyo weliba kuwo kale oo danyar ah kuna nool magaaladda Muqdisho.

Ururka samafalka iyo Gargaarka ee Ubax Foundation oo ay madax ka tahay Marwo Khadra Xusen Calasoow ayna ku bahoobeen Xubno kale ayaa waxaa uu xooga saaray sidii dadkaasi loo kaalmeyn lahaa, waxaana dharkaasi ka kaafiideystay dhawr Qoys iyadoo sidaas oo kalena uu gurmad kaas la mid ah gaarsiiyay Qoysas kale oo danyar ah kuna barakacsan magaladda Muqdishgo abaaro iyo jiilaal dheeraday awgeed.

Ururka Ubax ayaa sidaas oo kal waxaa uu gaarsiiyay Gargaar Dawo ah MCHka degmada Boondheere kaas oo ay ku baxday Lacag dhan 250 Doolar waxaana deeqdaasi ka gudoontay Marwo Ruqiya Maxamuud Afrax oo madax ka ah MCHkaasi iyadoo si weeyn uga mahad celisay deeqdaasi wax ku oolka ah ee la guddoonsiiyay MCHka.

Ururka samafalka iyo Gargaarka ee Ubax Foundation ayaa waxaa uu had iyo jeer ku dadaalaa sidii uu bulshadda Soomaaliyeed ugu gargaari lahaa waxaana uu gacan weyn ka gesytaa qoysaska Soomaaliyeed ee ku siugan dalka gudihiisa isagoo la gaara waxyaabaha daruuriga u ah nolosha bulshadda Soomaaliyeed ee tabaaleysan.