Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garawe.+Sawirro

Wafdigii uu Hogaaminaayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynha iyo wafdigii la socday ayaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garawe si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana halkaasi lagu sii diyaariyay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha u diyaarsanaa.

Soo dhaweynata madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa ka qeyb qaatay dadweyne fara badan oo isaga kala yimid xaafadaha Magaalada Garoowe, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoo amniga ay sugayeen ciidamada Koofi Gaduuda Madaxtooyada Soomaaliya oo maalin ka hor halkaasi la geeyay iyo ciidanka Puntland.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa ka qeybgali doona munaasabad kooban oo xariga looga jaraayo dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe oo dib u dhis lagu sameeyay, iyadoo madaxweynaha Caawa la filaayo inuu ku hoydo Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland,isagoo halkaasi ka hadli doona.