Madaxweyne Farmaajo Maanta ku wajahan Garowe

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu saakay u ambaxo Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Waxaa uu xariga ka jari doonaa Mashaariic horumarineed oo uu ka mid yahay garoonka Magaalada Garowe.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa looga diyaar garoobayaa soo dhowaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Jidadka magaalada Garowe waxaa lagu dhejiyey boorar uu kuyaalo Sawirka Madaxweynaha dalka oo Halku dhigiisu yahay “mudane Kusoo Dhowow Dhulka Uduga Puntland’ Barxadda Garoowe oo ah halku ugu caansan Magaalada ayaa waxaa lagu suray oo  layrar aad u qurux badan iyo Calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqon doona degaano ka tirsan maamulka Galmudug.