Falanqeynta Maanta: Madaxweye Farmaajo ciyaal Xamar miyaa mise ciyaal Garoowe?

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ahaa muwaadin soomaaliyeed oo ku dhashay xaafada isku raran waqtiyadii xoriyada la raadinayey

wuxuu ku bar baaray dhaqanka ciyaalka xaafada wuxuu soomaaliya iyo dadka soomaali u yaqiin inay tahay magaalada Xamar ama Muqdisho.

Marka uu xilka madaxweyne qabtay 8.2.2017 waxaa loo sheegay in uu Muqdisho ku dhashay ee aanu u dhalan.

Waxaa loo tilmaamay waxa ku Qoran xeerka 4.5 kaas oo cadeynaya in uu u dhashay reer Puntland kursigana iyaga kumatalo.

Fikirkaa wali waa diidan yahay madaxweyne Farmaajo wali waa ciyaalka xaafada ee moqdisho

Maanta waxa uu idhihiisa ku arkey in uu yahay nin ciyaal Garoowe ah. Taas oo markaati ka ah in ay soomaaliya u baahantahay dib u heshiin Qaran oo dastuur sax ah lagu Qoro

Waxaan Falanqeyn tayda ku muujinaya isku soo baxan waa mid marqaati ka ah in soomaaliya u baahan tahay in Qofkii Madaxweyne ka noqdaa waa in uu u istaagaa sidii Soomaaliya ku heshiin lahay wadan koodana ku dhisan lahaayeen.

Safarka waa markii ugu horeysay ee uu tago degaanka Puntland. Su’aalo badan ayaa ah:
Maxaa iska badali sida uu u haystay somaliyadii hore iyo somaliyada cusub

Shacabka reer Garoowe ayaan u kala harin soo dhaweynta wafdiga balaaran ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo Maxamed ayaa Puntland ku sugnaan doona shan maalmood, waaana safarkii ugu dheeraa ee uu ku qaato meel ka baxsan caasimadda Muqdisho ee isla gudaha dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaan horey u imaan Puntland markii uu ahaa Raysalwasaaraha 2010-2011, waxaana safarkaani noqonayaa kii ugu horeeyey ee Puntland ku yimaado tan iyo intii xilka ka qabtay dalka Soomaaliya,

Iyadoo soo dhaweyntiisa Garowe ay noqotay midii ugu balaarneyd oo loo qabto madaxdii dalka soomartay ilaa inta Taariikhda la xasuusto.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu khudbad dheer ka akhriyey magaalada Goroomre bartamaheeda barxada ku taal.

W/Q: Maxamed Caalim