Dowlada Kenya oo Magdhow siin doonta Soomaaliya haddii looga guulaysto Dacwada muranka Badda ee labada dowladood u dhaxeeya.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ayaa dowladda kenya ku qasbi doonta in Soomaaliya magdhaw ka siiso saliid baarista ay ka sameeysay badda muranku uu ka taagan yahay, haddii dowladda kenya ay ku guul dareysato dacwadda badda.

Githu Muigai Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya ayaa dhameystiray Jawaabtii ay Maxkmaaddu ka sugaysay bishii la soo dhaafay, hase yeeshee warbaahinta Kenya ayaa sheegaysa in Saraakiisha dacwadda qaabilsan ee kenya ay wali ka aamusan yihiin nuuca ay tahay Jawaabta isdifaaca ah ee ay maxkamadda geeyeen.

“Waa nasiib darro, macquulna ma ahan in la shaaciyo Dukumintiyadda u xareysan ICJ,waxaa jira dukumintiyo ay tahay in la ilaaliyo, maxkamadda cadaaladda Caalamiga ah kaliya ayaa bixin karta dukumiintiyadaasi, waxaana la sameeyn doonaa sidii ay sameeyeen Soomaaliya” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta kenya oo qoraal gaarsiiyay wargeeyska Standard.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya ayaa Maxkamadda dhexdeeda dood badan horay ugu soo bandhigay,laakiin doodiisa ku guul dareeysatay, wargeysaka Satandard ayaa sheegay in xeer Ilaaliyuhu uusan ka soo jawaabin baaritaan ay sameeynayeen.

Dowladda kenaya ayaa ku doodeeysa in ay xaq uleedahay dhamaan dhaq-dhaqaaqyadda ay ka midka yihiin gaaf wareega maraakiibta dagaalka, kaluumeeysiga, cilimi baarista iyo shidaal baarista inay ka sameyso badda hadda lagu muransan yahay oo labadda dhinacba ay Xuduud u aqoonsanaayeen tan iyo 1979 kii, sida lagu sheegay war uu horay u soo saaray xafiiska xeer ilaalinta kenya.

Waxay Kenya dooneysaa in iyadoo laga ambaqaadayo is afgaradkii ay soomaaliya iyo kenya gaaren 2009 kii muranka badda lagu dhameeyo wada hadal dhexmara Soomaaliya iyo kenya.

Dhanka kale waxaa la joojiyay 7-Goobood oo shidaal laga baaray kuna yalla Badda lagu muransan yahay, iyadoo Soomaaliya ay aaminsan tahay in dowladda Kenya ay Tobonaan Mile ku soo durugtay meeshii ay ahayd Soohdinta badda ee ay la wadagto Kenya, waxaana la filayaa in Dhawaan maxkmadda caalamiga ah ee cadaaladda ay shaaciso waqtiga ay u fariisaneyso dacwadda la xariirta muranka badda ee Soomaaliya iyo kenya .