Shirkii wadatashiga Muqdisho oo baaqday

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu dib u dhacay shirkii wadatashiga Muqdisho kaas oo todobaad ka hor guddoomiyaha Gobolka uu kaga dhawaaqay degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkaas oo furmi lahaa malainta berri ah uu dib u dhacay ilaa muddo aan la cayimin,waxaana ay xuseen in iyaga ay dib  ka sheegayaan waqtiga la qabanayo.

“Waxaan u xaqiijinayaa dadka Muqdishaawiyiinta ah inuu baaqday Shirkii Wadatashiga Nabadeynta iyo Horumarinta Gobolka Benaadir.” Ayuu yiri  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa horay u iclaamiyay shirkan oo uu sheegay in uu yahay mid wadatashi ah oo la doonayo in maamulka Gobolka iyo Dadka Muqdisho ay isku fahmaan.