Ganacsatada Qaadka Kenya oo ka walaacsan weerarada Al Shabaab ee dalkaasi

Guddoomiyaha Ganacstada Qaadka dhoofisa ee dalka Kenya ayaa sheegay in cabsi weyni ay la soo gudboonaatay, kadib markii ay kordheen Weerarada Al Shabaab ay ku qaadayaan gawaarida Qaadka geeya Gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi iyo qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qaadka ay ka keeni jireen deegaanka Meru ee dalka Kenya ay hadda soo food saartay Cabsi dhanka Waddooyinka ah oo ay ka qabaan weerarada Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ay badaleen marinadii ay isticmaali jireen, islamarkaana ay u weecdeen Waddooyinka deegaanadaasi ka soo gala dhanka Ethiopia.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Qaadkii ay geyn jireen deegaanada Maamulka Jubbalnad ee Soomaaliya ay saameyn ku yeelatay cabsidaasi, balse ay jiraan in meelaha qaar ay geeyaan, iyaga oo istcimaalaya Marinadoodi hore kuwo ka duwan.

Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ku qaadaan gudaha Kenya, gaaraan Gobolka Waqooyi ee Dalkaasi.

Waxaana weerarkii ugu dambeeyay ay ku dileen Askar ka tirsanaa Ciidamada Booliska Kenya, kaas oo ka dhacay saldhig ku yaalla Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.