Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Oo Gaaray Magaalada Garoowe

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo maalmahan safar ku marayay deegaanada Puntland ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaasi.

Waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay safarkiisa.

Waxaana uu sheegay in kulamo uu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana uu soo dhageystay baahiyaha kala duwan ee ay qabaan dadkaasi.