Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha oo Muqdisho yimid

Waxaa maanta oo Jimco ah Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaaray Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Isgaarsiinta Cabdi Cashur, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqidsho Thaabit Cabdi Maxamed iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Khamiistii xilalka ka qaaday Saddex oo ka tirsanaa Xukuumadiisa, wuxuuna magacaabay Saddex Wasiir oo uu ka mdi yahay Wasiirkan maanta Muqidsho soo gaaray.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo la doonayo inuu wax ka qabto, kolka uu xilka kala wareego Wasiir hore Juxa.

Dowladda Federaalka ayaa aaminsan in Wasiirka cusub oo ah reer Muqdisho uu wax badan ka qaban doono culeysaadka siyaasadeed ee Dowladda kaga imaanaya siyaasiyiinta Mucaaradka ee Muqdisho ku sugan.

Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka cusub hadii aan hal iyo laba ka dhahno waa nin aqoonyahan ah, sidoo kalena ah Ganacsade kana mid ahaa Aas aasayaashii Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink.