Wararkii ugu dambayay ee ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay Degmada Buula-barde

Maamulka Degmada Buulobarde ayaa sheegay in maanta miino loo dhigay Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Jabuutiyaan, iyadoo qaraxa uu ahaa miinada nuuca dhulka la giliyo ciidanka loo dhigay.


Qaraxaan Miinada ayaa wuxuu ka dhacday waddada aada Garoonka diyaaradaha ee degmada Buula-barde, waxaana ku dhaawacmay labo ka mid ah Ciidanka Soomaaliya, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan kuwa Jabuuti.

 

Dadka ku dhaawacmay qarxaasi ayaa intooda badan waxay yihiin kuwo qaba dhaawacyo fudud, inkastoo uu dhaawac culus qabo hal Askari, waxaana la dhigay Isbitaal ay maamulaan Ciidamada AMISOM oo ku yaala magaalada Buula-barde ee gobalka Hiiraan.

Waxaa horay qarax nuucaan oo kale ah ugu dhintay Askari ka tirsan Howlgalka AMISOM kaas oo todobaadkii hore ka dhacay degmadaasi.