Sanduuq lagu horumarinayo dhalinyarada oo la abuurayo

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay qorshaha Wasaaradda kaga aadan shaqo abuurka dhalinyarada sanadkan cusub ee 2018-ka.

Waxa ay sheegtay ujeedooyinka Wasaaradda Dhalinyarada ay ka leedahay horumarinta Dhalinyarada in ay ka mid yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa Maalgashiga Dhalinyarada, in la sameeyo Sanduuq lagu horumarinayo Dhalinyarada iyo in la kordhiyo hal abuurka dhalinyarada.

Waxa ay sheegtay qorshooyinkan iyo kuwo kale oo uu ugu horeeyo abuurista Sanduuq Dhaqaale oo quseeya Dhalinyarada Soomaaliyeed inuu xog ogaal u yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Wasiir Khadiijo ayaa sheegtay dhalinyarada Soomaaliyeed inta badan in loo adeegsado falalka qaldan, balse Wasaaradda ay xoojineyso sidii Dhalinyarada loogu soo toosin lahaa wadada saxda ah, muhiimna ay tahay inuu ka qeyb qaato qof walba.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ka qeyb qaataan shaqo abuurka loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dayacan dunida dacaladeeda, kuwaasi oo Tahriib ku tagay wadamadaasi, kadib markii dalka ay uga carareen shaqo la’aan iyo sababo la xiriira amni daro.