Somaliland oo ka hadashay socdaalka Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya

Maamulka Somaliland ayaa wuxuu ka hadlay socdaalka Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Hassan uu ku tegay Gobolka Sanaag.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Sacad Cali Shire wuxuu yiri:-

“Wallaahay runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidan nahay Soomaaliya iyo Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xad-gudub”.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa sheegay arrinkan in uu khal-khal galinayo cilaaqaadka ay la leeyihiin Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay dambayn doonto iska hor imaad taasi oo aan dan u ahayn dadka degaanka iyo gobolka toona.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Xasan ayaa maalmahan socdaal ku maraya degaano ka tirsan Sool iyo Sanaag.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay u kuur galayaan xaalada ay ku nool dadka ku sugan degaano iyo Tuulooyin ka tirsan Sool iyo Sanaag, amniga iyo hormarka ka jira.