Kooxo Hubaysan oo Muqdisho ku dilay Aabaha Dhalay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho lagu dilay Alle ha u naxariistee Aabaha dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabla sida ee Soomaaliya Xasan Nuur Cali Shuute.

496515016

Kooxaha dilay Aabaha dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabla sida ayaa la sheegay in falkaasi dilka ka gaysteen xaafadda suuq Boocle ee degmada Dharkeynlay, waxaana la sheegay inay baxsadeen kooxihii dilka gaystay.

Dhanka kale Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay baarayaan kooxihii falkaasi dilka ah gaystay, iyadoo Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Nuur Cali Shuute, kaasi oo dhalay Guddoomiyaha Darajada 1-aad ee Maxkamadda Ciidamada qalab sida ee Soomaaliya Xasan Nuur Cali Shuute.