Falanqeynta Maanta: Maxkamado Tartan siyaasadeed dhexgalay

Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa waxay dooneysaa in uu Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, hor tago waqti hore ay Maxkamadda Racfaanka Qoraal soo saartay ku sheegtay in 03-da January 2018 oo maanta ku beegan Maxkamadda laga sugayo Siyaasiga. Abdirahma abdishakur.

Qoraalka Maxkamadda ay soo saartay waxaa sidoo kale ku qornaa in ay ku wargelisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir inay gaarsiiyaan mudada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa, si uu uga soo qeyb galo.

Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale ka qeyb galaya dhageysiga iyo Dooda Dacwadda.

Waxaa dad badan is waydiinayaa maxay tahay maxkamada iyadu sida gaarka ah u wadata racfaankan aan sharciga waafaq sanay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa war saxaafadeed ku sheegay inay jirin cid dacwad sharci ah ku haysata, waxaana uu ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka in uu ku soo oogayo dacwad siyaasadeysan. oo ay gadaal kariixayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre.

Xaalada siyaasadeed ee wadanku ku jiro ayaa ah in aan la Garaneyn. sida ay u wada shaqeeyaan Golaha Garsoonku

Maxkamada Gobolka banaadir ayaa hore u siidaysay siyaasi cabdiraxmaan cabdishakuur
Iyadoo go’aankaa ku Qortey inaan Racfaan laga qaadan karin.

Way wanaagsen tahay in sharciga iyo cadaalada la raaco ee hadii sharciga hayadaha ilaaliya khilaaf ka dhaxeeyo waxaa adkaaneysa in shacabku fahmaan waxa ay dacwadu tahay.

Waxaana wada og nahay in wali dadka soomaaliyeed Qabiilku ilaaliyo siyaasigooda ilaa inta ay kafahmayaan khaladka uu galay inuu cad yahay.

W/Q: Maxamed Caalim