Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo Qarax Miino kula kulmay duleedka degmada Baraawe.

Wararka naga soo gaarayo Gobalka Sh/Hoose ayaa sheegaya in saakay Qarax miino lagula eegtay Kolanyo Gaadiid ah oo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayay duleedka degmada Baraawe.


Ciidamadaan lagu weeraray Qaraxa ayaa waxey ku socdeen wadada isku xirta degmada Baraawe iyo deegaanka Buulo Mareer, iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobalkaasi, sida ay sheegeen dadka ku sugan Braawe.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa weerarkan ku faafiyay Baraha Internet-ka ku sheegay in Miinada ay haleeshay mid ka mid ah Gawarida Gaashaaman ee ay wateen Ciidamada AMISOM, inkastoo AMISOM ay dhankooda weli ka hadlin sheegashada Shabaabka.