RW Kheyre oo Senator Qaybdiid ku booqday gurigiisa kana raali giliyay weerarkii lagu qaaday.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Gurigiisa ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo maalin ka hor lagu weeraray Gurigiisa oo ku yaala degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha oo qorshaha booqashadiisa aheyd inuu la qeybsado Senatorka dhibaatada ka dhashay falkii lagu weeraray Gurigiisa, kaasi oo maalin ka hor ay u galeen Ciidamo hubeysan, kadibna gurigiisa ka fuliyay baaritaano.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka xun tahay falkii lagu weeraray guriga Qaybdiid, waxayna ka jawaabi doontaa dowladda falkaasi weerarka ahaa” ayuu yiri RW Khayre oo ka raali geliyay falkii lagu qal qal geliyay reerka Cabdi Qaybdiid

Dhanka kale Gen Cabdi Qaybdiid ayaa Ra’iisal Wasaaraha ka dalbaday in la keeno dadkii soo abaabulay weerarka Gurigiisa, balse uusan ku qancin in la xiro oo kaliya Taliyaashii howlgalkaan hogaaminayay iyo Ciidankooda.